外网天堂

Mental health information in Somali

Macluumadka ku saabsan caafimaadka maskaxda oo Soomaali ku qoran

On this page you will find translations of our mental health information resources in Somali.Please carefully read the disclaimer that accompanies each translation. It explains that the College cannot guarantee the quality of the translations, nor that the information is necessarily the most up to date.

Boggan waxaad ka heli doontaa turjumaado Soomaali ah oo ku saabsan agabka macluumaadka la xiriira caafimaadka maskaxda.Fadlan si taxaddar leh u akhri afeefta la socota turjumaad kasta. Waxay sharraxaysaa in Kulliyaddu aysan dammaanad qaadi karin tayada turjumaadaha, sidoo kalena aysan hubin karin in macluumaadku yahay mid sax ah ama kan ugu dambeeyay.

Somali translations

Who are we?

The 外网天堂 is the main professional body for psychiatrists in the UK. We have a world-wide membership.

We work to secure the best outcomes for people with mental illness, learning disabilities and developmental disorders by:

  • promoting excellent mental health services
  • training outstanding psychiatrists
  • promoting quality and research
  • setting standards
  • being the voice of psychiatry.

Anagu yaa nahay?

外网天堂 (Kuliyadda Royal ee dhakhaatiirta dhimirka) waa hay’adda ugu weyn ee xirfadlayaasha dhimirka (psychiatrists) ee ku sugan Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK). Waxaan leenahay xubno ka kala yimid daafaha dunida oo dhan.

Waxaan ka shaqeynaa sidii aan u xaqiijin lahayn natiijooyinka ugu wanaagsan ee dadka qaba xanuunka maskaxda, naafonimada waxbarashada, iyo cilladaha korriinka iyadoo loo marayo:

  • kor u qaadidda adeegyada caafimaadka maskaxda ee heer sare ah
  • tababarka dhakhaatiir dhimir ah oo heer sare ah
  • kor u qaadida tayada iyo cilmi-baarista
  • dejinta heerar
  • noqoshada codka xanuunada dhimirka.

Why do we produce mental health information?

We believe that high-quality information can help people to make informed decisions about their health and care. We aim to produce information which is:

  • evidence-based
  • accessible
  • up to date.

Maxaynu u soo saaraynaa macluumaadka caafimaadka maskaxda?

Waxaan aaminsanahay in macluumaad tayo sare leh uu ka caawin karo dadka inay sameeyaan go’aanno xog-ogaal ah oo ku saabsan caafimaadkooda iyo daryeelkooda. Waxaan hiigsaneynaa inaan soo saarno macluumaad ah:

  • mid ku saleysan caddaynta
  • la heli karo
  • la cusboonaysiiyey.

How is our information written?

Our information is written by psychiatrists and other healthcare professionals. Our information is also developed with the support of patients and carers. This helps to ensure our information is representative of the lived experiences of people with mental illness.

We are grateful to the psychiatrists, healthcare professionals, College members, staff and experts who have helped to produce and review our information.

Sidee ayaa macluumaadkeennu u qoran yahay?

Macluumaadkeenna waxaa qoray dhakhaatiirta dhimirka iyo xirfadlayaal kale oo caafimaad. Macluumaadkeennu sidoo kale waxaa lagu horumariyaa taageerada bukaannada iyo daryeelayaasha. Tani waxay ka caawisaa in la hubiyo in macluumaadkeennu uu ka tarjumayo waayo-aragnimada dhabta ah ee dadka qaba xanuunka maskaxda.

Waxaan u mahadcelineynaa dhakhaatiirta dhimirka, xirfadlayaasha daryeelka caafimaad, xubnaha Kulliyadda, shaqaalaha, iyo khubarada ka qayb qaatay soo saarista iyo dib u eegista macluumaadkeena.

About our translations

In 2022, we began collaborating with a non-profit, CLEAR Global, and their community of more than 100,000 language volunteers, Translators without Borders. We are working with them to update the translations of our latest information resources in the most in-demand languages. You can see who delivered our translations at the bottom of each translated page.

Our translations are based on our mental health information resources in English. These resources reflect the best evidence available at the time of writing, and we aim to review our resources every three years. However, this is not always possible, and we have dated our resources to show when they were last reviewed.

Whenever we update our English resources, we will aim to update our translations. However, this will not always be possible.

If you have feedback on our translations you would like to share with us, you can contact leaflets@rcpsych.ac.uk.

Ku saabsan turjumaadaheena

Sanadkii 2022, waxaan bilownay inaan la shaqeyno hay’ad samafal ah oo la yiraahdo CLEAR Global iyo bulshadeeda ka badan 100,000 oo mutadawiciin luqadeed ah, Turjumaano aan xuduud lahayn. Waxaan la shaqeyneynaa iyaga si aan u cusboonaysiino turjumaadaha agabka macluumaadka ugu dambeeyay ee luqadaha ugu baahida badan. Waxaad ka arki kartaa cida bixisay turjumaadkeena qaybta hoose ee bog kasta oo la turjumay.

Turjumaadeena waxay ku saleysan yihiin agabkeena macluumaadka caafimaadka maskaxda ee luuqadda Ingiriisiga. Agabkan waxay ka tarjumayaan caddaymaha ugu wanaagsan ee la heli karo wakhtiga qorista, waxaana hiigsanaynaa inaan dib u eegno agabkayaga seddaxdii sanaba mar. Si kastaba ha ahaatee, tani mar walba ma suurtowdo, waxaana ku qornay agab kasta taariikhda si loo muujiyo goorta ugu dambeysay ee dib loo eegay.

Markasta oo aan cusboonaysiinno agabkeena Af-Ingiriisiga, waxaan hiigsaneynaa inaan sidoo kale cusboonaysiino turjumaadeena. Si kastaba ha ahaatee, tani mar walba ma suurtowdo.

Haddii aad qabto ra’yi ku saabsan turjumaadeena oo aad jeclaan lahayd inaad nala wadaagto, waxaad la xiriiri kartaa leaflets@rcpsych.ac.uk