Cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)
Post-traumatic stress disorder (PTSD)
Below is a Somali translation of our information resource on post-traumatic stress disorder (PTSD). You can also view our other Somali translations.
Descargo de responsabilidad
Macluumaad kan waxaa loogu talagalay qof walba oo hayo ama u malaynaya inuu ku dhici karo cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD), iyo asxaabtooda, qoyskooda iyo daryeelayaashooda.
Waa maxay cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)?
Cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waa xanuun maskaxeed ka dhasha marka qofku uu ku dhacdo ama uu goob joog u noqda dhacdo argagax iyo naxdin leh.
Dad badan oo ay soo maraan dhacdo naxdin leh waxay la kulmi doonaan dareeno xun xun, fikrado iyo xasuus kala duwan. Dad badan calaamadahani waxay si tartiib ah u yaraadaan marka waqti la siiyo oo taageero la helo. Marka dareenadan xun aysan baaba¡¯in, isla markaana carqalad ku noqdaan nolosha maalinlaha ah, qofku waxaa laga yaabaa inuu la kulmo cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD).
Waa sidee baahsanaanta cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)?
Sahanka qaran ayaa ogaaday in qiyaastii hal qof oo 20-ka qof ee waaweyn ee Ingiriiska laga baaray uu muujiyey calaamadaha cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD). Natiijo togan laga helay baaritaanka (¡®Screened positive¡¯) micnaheedu waa in qofku ka qeyb galay baaritaanka calaamadaha caafimaadka maskaxeed ee lagu ogaanayo cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD). Jawaabahoodu waxay muujinayaan in ay u badan tahay inay qabeen cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD).
Maxaa sababa cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)?
Cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waxay saameyn kartaa qof kasta oo la kulma dhacdo naxdin leh, ama dhacdooyin badan oo naxdin leh. Waxaan hoos ku muujinay tusaalooyin ka mid ah dhacdooyinkaas.
Waxaa muhiim ah in la xasuusto in dhacdooyinka hoos ku taxan ay yihiin tusaalayaal kaliya. Waxaa jira dhacdooyin tira badan oon halkan lagu xusin kuwaas oo qofka ku keeni kara inuu ku dhaco cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD). Haddii waayo-aragnimadaada aan halkan lagu daboolin, wali waa sax waana inaad raadsato caawimo iyo taageero haddii aad dhibtoonayso.
Dhacdooyinka horseedi kara cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waxaa ka mid ah kuwan, laakiinse intaan keliya kuma koobna:
- inaad aragto qof dhimanaya ama aad adigu isu malayso inaad dhimanayso
- dhaawac halis ah soo gaaray, ama aaminsan in aad noqon doonto
- la kulma xadgudub galmo, ama aaminsan in aad la kulmi doonto
Waxaa laga yaabaa inaad la kulanto dhacdo naxdin leh mid ka mid ah siyaabaha soo socda:
- Toos - inay adiga kugu dhacdo
- Markhaati - inaad aragto qof ay ku dhacayso
- Barashada - waxaad ogaatay in dhacdadu ku dhacday qof aad kuugu dhow.
- Sigasho - waxaad ku sigatay inay kugu dhacdo khatar ah oo aad u malaysay inay kuu gaysan doonto dhaawac halis ah, argagax mise cabsi badan, balse taasi ma dhicin. Tusaale ahaan, cilad aad u daran ama shil diyaaradeed oo adiga iyo rakaabka kaleba ku keentay inaad rumaysataan in diyaaraddu burburayso.
Sidoo kale waxaanu ognahay dadka kula kulmay dhacdooyin naxdin leh baraha bulshada, telefishanka, filimada ama sawiro ay la kulmi karaan dhibaatooyin caafimaad oo maskaxeed. Tani waxay si gaar ah u dhacdaa marka khatartu ka timaado shaqada qofka.
Dadka qaarkood waxay la kulmaan hal dhacdo oo naxdin leh, laakiin nasiib darro dad badan ayaa la kulma dhacdooyin naxdin leh oo badan. Marka dhacdooyinka naxdinta leh ay soo noqnoqdaan, hab qofka uu u dareemo in aysan ka baxsan karin dhacdooyin naxdin leh mustaqbalka, waxaa dhici karta inuu ku dhaco xaalad loo yaqaan cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh adag oo isku dhafan (complex PTSD).
Waxaa jira tiro fara badan oo dhacdooyin naxdin leh ah balse waxaa ka mid ah tusaalayaashan:
- marqaati ka ah dhimasho gacan ka hadal ah
- shilalka halista ah, tusaale; shil baabuur
- xad gudub jireed ama galmo ama waxyeello
- Dhibaatooyin caafimaad oo daran, ku jira daryeelka degdegga ah, iyo waayo-aragnimada kale oo caafimaad oo naxdin leh
- waaya aragnimada dhalmada ee adag ama nafta halis gelisa
- laga helay cudur nafta halis gelinaya ama jirro nolosha wax ka beddelaya
- dagaal iyo colaad
- weeraro argagixiso
- masiibooyinka dabiiciga ah ama dadku-sameeyay, tusaale; tsunami ama dab. Dad-samee micnaheedu waa wax uu sababay qof ama koox dad ah, mana aha wax si dabiici ah u dhaca.
haddii saad wax u dareemaysid aan halkan lagu xusin, weli waad saxsan tahay waxaadna istaahishaa caawimaad iyo taageero.
Maxay dhacdooyinka qaar u yihiin kuwo naxdin leh iyo qalqal badan keena?
Qaar ka mid ah dhacdooyinka naxdin leh waxay u muuqdaan naxdin leh kaliya ma aha sababtoo ah wax xun ayaa dhacay, balse sidoo kale waxay nagu adkaata in aan fahanno sababta ay u dhaceen. Si kale haddii loo dhigo, dhacdooyinka naxdinta lehi inta badan ma geli karaan caqligeena iyo sidaan rabno in dunidu noqoto. Tani waxay nagu adkaysaa inaan fahanno micnaha ka danbeeya jahwareerkana wuxuu saameeyn karaa caafimaadka maskaxdeena.
Dhacdooyinka naxdinta lehi waxay sidoo kale noo sheegaan waxyaabaha xun xun ee annaga iyo dadkaan jecelnahayba ku dhici kara waqti walba. Tani waxay keeni kartaa inaan dareenno ammaan la¡¯aan, kala-go¡¯naan, iyo inaan si joogto ah u dareenno khatar nagu soo fool leh. Tani si la fahmi karo waa mid cabsi leh. Mar marka qaar dhacdooyinka naxdinta lehi waxay naga dhigaan inaan is waydiino cidda aan nahay, taasoo iyana walwalkeeda wadata.
Maxaa dhaca marka qofku qaado cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)?
Dad badan ayaa la kulmi doona dhacdooyin naxdin leh noloshoodoo dhan. Ku dhawaad 1(hal) kamid ah 3-dii qof ee qaangaar ah ee England ku noolba waxay sheegeen inay la kulmeen hal dhacdo oo saa¡¯id u naxdin badan intay noolaayeen. Si kastaba ha ahaatee, qof kasta oo la kulma dhacdo naxdin leh ma ku dhaco cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD).
Dad badan ayaa dareema calool xumo, murugo, welwel, is eedayn, iyo caro ka dib dhacdada naxdinta leh. Tani kama dhigna inay yeesheen cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD). Dadka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waxay muujiyaan astaamahan dhowrka ah ee hoose. Kuwani waxay bilaaban karaan isla markiiba, ama waxay qaadan karaan dhowr asbuuc ama xitaa bilo inay bilowdaan. Qof walba sida uu cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh ( PTSD u dareemo waa u gooni. Waxaa laga yaabaa inaad leedahay dhammaan, qaar ka mid ah, ama kaliya xoogaa ka mid ah calaamadahaas, waxaana sidoo kale calaamadahaagu isku badali karaan wakhti ka wakhti.
Hadaad qabto cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)-ga, calaamadahaas waxay carqaladeyn doonaan hawlahaaga maalinlaha ah oo waxay kugu keeni doonaan inaad dareento welwel xad-dhaaf ah. Haddii aad leedahay calaamadahaas isla markiiba ka dib dhacdo naxdin leh, tani macnaheedu ma aha inaad horay ugu dhaco cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD).
Astaamaha soo noqnoqda ama waqti ka dib la dareemo
- Xasuuso - lahaanshaha xasuuso iskood ah ee dhacdada kuwaasoo naxdin badan. Kuwaas waxaa loo yaqaan fikrado soo farageliya (ama fikrado ku soo noqnoqda maskaxda). Kuwani waxay mararka qaarkood dareemi karaan in maskaxdaadu ay ciyaarayso muuqaal wixii dhacay ku celcelin.
- Qarow - kuwani waa riyooyin aan qurxoonayn oo ka yimid dhacdadii naxdinta leh kuwaasoo habeenkaas oo dhan huradada kuu diida.
- Falcelinno kala-go¡¯naansho maskaxeed ¨C inaad dareentid ama u dhaqantid sida in dhacdadii naxdinta lahayd ay iminka u dhacayso mar kale si toos ah. Tan waxaa loo yaqaan ¡®flashback¡¯ dib u xasuusasho wixii dhacay. Waxaa laga yaabaa inaad joojiso ka warqabka waxa hareerahaaga ka dhacaya ama aad dareento in dunidu aanay dhab ahayn.
- Welwelka jireed iyo kan maskaxeed ¨C inaad dareento welwel saa¡¯id ah, dareen aad u kacsan markii si uun laguu soo xasuusiyo wixii dhacay. Waxaa laga yaabaa inaad neef tuurtid ama uu wadna garaacaagu siyaado. Waxay u badan tahay inaadan ku baraarugin marka dareenadaasi kugu soo laba kacleeyeen, iyo waxa laba kaclayntoodaba kugu sababay.
Astaamaha ka fogaanshaha
- Xasuusta kala go'an (Dissociative amnesia) ¨C In aadan xasuusan karin qaybo ka mid ah dhacdada naxdinta leh. Tani waa hab guud oo maskaxdaadu iskugu daydo inay kaaga ilaaliso dhacdooyinka naxdinta leh. Si kastaba ha ahaatee, tani waxay ugu dambeyntii ka dhigi kartaa xaaladda mid adag muddo dheer. Mararka qaarkood marka aad isku daydo inaad dib u xasuusato qaybo ka mid ah dhacdada, waxaa laga yaabaa inaad dareento in kala go'een naftaada iyo adduunka kugu xeeran. Tani waxaa loo yaqaan kala-go¡¯naansho maskaxeed.
- Xiriir-goys ¨C inaad xiriirka u jarto dadkaad horay iskugu dhawaydeen.
- Ka fogaanshaha hadalka iyo fikirka - Aan rabin inaad ka hadasho, ama ka fikirto, dhacdada ama dhacdooyinka naxdinta leh
- Ka fogaanshaha xiriirka - Ka fogaanshaha xusuusaha, fikradaha, dareenka, waxyaabaha, dadka iyo meelaha la xiriira dhacdada naxdinta leh. Waxyaabaha tani kaa fogayn karto waxaa ka mid ah telefishinka ama warbaahinta kale ee ku saabsan dhacdada, gaar ahaan haddii ay ku keento welwel.
Isbeddellada niyaddaada iyo fikradahaaga
- Aaminaad xun iyo wax xun filasho ¨C inaad si xun uga fikirtid naftaada, dadka kale, iyo dunidaba.
- Eedeyn ¨C inaad naftaada iyo dadka kaleba ku eedayso dhicidda dhacdada naxdinta leh iyo natiijooyinkeedaba.
- Dareenno xun oo dhacdada naxdinta leh la xiriira ¨C inaad si joogta ah u dareentid cabsi, argagax, caro, is eedeyn, iyo ceeb. Waxaad dareemi kartaa caro dadka kale ama naftaada, xitaa haddii midkiinba uusan sameyn wax khalad ah.
- Luminta xiisaha hawlaha ¨C Dhibaato ku qabidda inaad ka hesho ama aad xiiseyso hawlaha aad horey u jecelayd ama si joogto ah u samayn jirtay.
- Awood la¡¯aan dareenka farxadda ¨C Dhibaato ku qabidda inaad hesho farxad, qanacsanaan, ama dareen jacayl.
Astaamo feejignaanta iyo falcelinta
- Feejignaan xad dhaaf ah ¨C Inaad si xad dhaaf ah uga warqabto waxa hareerahaaga ka socda oo aanad awoodin inaad nasato sababtoo ah waxaad raadinaysaa khataro.
- Si fudud uga naxidda ¨C Ka falcelinta xad-dhaafka ah ee dhawaaqyada ama dhaqdhaqaaqa.
- Dhibaato diiradda saarista ¨C Adkaanta inaad diiradda saarto hawlaha aad hore u awoodi jirtay inaad diiradda saarto.
- Hurdada oo kugu adkaata ¨C Adkaanta inaad hurdo gasho oo aad hurdo ku sii jirto. Marka aad hurdo gasho, hurdadaadu waxay noqon kartaa mid liidata ama jaban, waxaana laga yaabaa inaad ku aragto riyooyin naxdin leh.
- Xanaaq deg dega ah ¨C inaad saa¡¯id ugu carooto dadka iyo walxahaba adoo af ama gacan qaad samaynayaa. Xanaaqaan saa¡¯idka ah wuxuu iman karaa markaad la kulanto wax ku soo xasuusiya dhacdooyinkaagii naxdinta lahaa.
- Taxadar la¡¯aan ¨C inaad u dhaqanto si caqli xumo ah ama halis ah ama naftaada galaafan karta. Tusaale ahaan, aadida meelaha khatarta ah amase deegaanada colaadeed.
Maxay cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) qofka ugu dhacdaa?
Waxaa jira sharaxaado dhowr ah oo sharxaya waxa cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) sababa.
Sababo Maskaxeed
Astaamaha maskaxeed ee cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waa kuwo si qoto dheer u dhib badan oo murugo leh. Si kastaba ha ahaatee, astaamahaasi waxay micna samaynayaan markaan ka fikirno sida maskaxdeenu u shaqayso si ay noo ilaaliso markay dhacdo naxdin leh dhacdo.
Fikiro soo noqnoqda ama xasuuso xun xun
Waa arrin iska caadiya inaan dib xasuusteena uga daawano xaalad adag ama naxdin lahayd oo aan la kulanay. Tani waa falcelinta dabiiciga ah ee maskaxdeenu samayso markay rabto inay naga caawiso inaan fahano wixii dhacay. Waxay naga caawinaysaa inaan u diyaar garowno haddii xaaladani ay mar kale soo noqoto.
Si kastaba ha ahaatee, marka laga hadlayo cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) falcelintani waxay noqotaa mid saa¡¯id u xad dhaaf ah. Dadka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waxay marar badan mar kale u soo laaban doonaan dhacdada, iyagoo xasuusaheeda maskaxda uga soo celceshanaya. Tani waxay ku sababaysaa inay dareemaan welwel farabadan, intii ay ka caawin lahayd inay fahmaan sidii wax u dhaceen.
Ka fogaansho iyo is iloowsiin
Ka dib markii aan la kulanno dhacdo naxdin leh, waxaa laga yaabaa inaan xasuusan karin ama aan rabin inaan xasuusano. In kasta oo xasuusashada waxa dhacay ay noqon karto mid naxdin leh, ka fiirsashada dhacdada waxay naga caawin kartaa in aan fahamno iyo in aan ka bogsano. Haddii aan ka dhowrsano inaan dhacdada xasuusano, xasuusuhu waxay noqon karaan kuwo sidii hore ka sii xoogan kana welwel badan markaan ka fikirno. Sawirkan hoose wuxuu muujinayaa meertada ka fogaanshaha ee cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD):

Feejignaan xad dhaaf ah
Haddaan waardiye iska qabano amase aan saa¡¯id ugu nuglaano waxa hareeraheena ka dhacaya, waxaan dareemi karnaa inaan diyaar u nahay falcelin deg deg ah haddii dhibaato kale dhacdo. Falcelintani waxay nasiinaysaa tamartaan u baahanay haddii shil ama dhibaato kale dhacdo.
Si kastaba ha ahaatee, dadka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD), dareennadan waxay dhacaan mar walba, muddo dheer ka dib markii khatarta laga gudbay. Dareennadani sidoo kale waxay dhici doonaan xaaladaha aan khataradu mar kale dhici karin. Tani waxay noqon kartaa mid daal xad dhaaf nagu sababta oo ka hortagi karta dadka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) inay sameeyaan waxyaabihii ay horey ugu raaxaysan jireen.
Jireed
Qaar ka mid ah calaamadaha jireed ee cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waxay dhacaan sababtoo ah jirkeenu wuxuu la tacaalayaaa sidii uu u farsameyn lahaa dhacdo naxdin leh. Waxaan galnaa ¡®xaalad diyaargarow¡¯ xataa haddii khatartii saxda ahayd ay gudubtay.
Hormoonka diyaargarowga khatarta (Adrenaline)
Kani waa hormoonka (dheecaanka) jirkeenu soo saaro markuu welwel na hayo. wuxuu naga caawiyaa inuu jirkeenu isku diyaariyo waxyaabaha u baahan tamar fara badan. Tusaale ahaan, orodka ama dagaalka. Marka xaalada welwelkan nagu abuurtay ay dhamaato, heerka hormoonkan (adrenaline)-ku waa inuu sidiisii hore ku noqdaa.
Dadka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD), xusuusaha tooska ah oo ku saabsan dhacdada welwelka leh waxay kor u qaadi karaan heerarka adrenaline-ka. Heerarka sare ee hormoonka adrenaline-ka waxay naga dhigi karaan mid diyaarsan, dulqaad yar, oo aan awoodin inaan nasano ama si fiican u seexanno.
Qaybta maskaxda xakamaynta dareenada iyo xasuus qorka (The hippocampus)
Tani waa qaybta maskaxda ee qaabilsan farsamaynta xasuusaha. Heerarka sare ee hormoonada sida adrenaline-ka waxay qaybta xasuus qorka iyo xakmaynta dareenada (The hippocampus) ka joojin karaan inuu si fiican u shaqeeyo. Tani waxay ka dhigan tahay in xusuusaha dhacdada naxdinta leh aan si sax ah loo farsameyn. Tani waxay keeni kartaa in aan xasuusanno dhacdada sidii ay khatartu weli jirto hadda, halkii ay ka ahaan lahayd wax dhacay waqti hore.
Dadka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) badanaa uma lahan wax ka mid ah calaamadahaas maskaxeed ama jireed si kas ama ula kac ah. Kuwaasi waa falcelino toos ah oo sababtay dhacdadii naxdinta lahayd.
Ma jiraan shaqooyin qofka ay suurtagal tahay inuu ka qaado cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)?
Qofkasta wuu qaadi karaa cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) haddii ay la kulmaan dhacdo naxdin leh. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadka waxay leeyihiin shaqooyin ka dhigaya inay u badan tahay inay la kulmaan dhacdooyin naxdin leh. Tani waxay ka dhigan tahay in khatarta ah inuu ku dhaco kuwaas cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) ay ka badan tahay marka loo eego shaqooyinka kale. Shaqooyinkaas waxaa ka mid noqon kara:
- Shaqaalaha gargaarka deg dega ah (sida booliiska, dab-damiska ama kalkaaliyaasha)
- Shaqaalaha daryeelka bulshada
- Shaqaalaha caafimaadka (sida shaqaalaha daryeelka deg dega ama shaqaalaha dhalmada)
- Shaqaalaha militariga iyo xirfadlayaasha iyo iskood u shaqeeyayaasha ee ka shaqaynaya goobaha colaada
- Darawalada tareennada ee la kulma dhimasho ka dhacda tareenka jidkiisa
- Kormeereyaal wareed oo khadka internetka ah kuwaasoo ay tahay inay daawadaan waxyaabo naxdin leh qayb ka ah shaqadooda
Goormay cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) bilaabmaa?
Astaamaha cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) badanaa waxay bilaabmaan isla markiiba ama waxyar ka dib markay dhacdo dhacdo naxdin leh. Mararka qaar, astaamaha cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) ma bilaabmaan usbuucyo ama xitaa bilooyin ka dib dhacdada naxdinta leh. Inta badan waxay bilaabmaan lixda bilood gudahood markay dhacdadu dhacdo. Dib u dhac lix bilood ama ka badan ah ma ahan mid aan suurtagal ahayn balse saas uma badna. Waxa nasiib darro ah in dad badan aysan raadsan caawimaad markii calaamadaha ugu horeeya ee Cudurka-walbahaarka ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) ay bilaabmaan. Tani waa sababtoo ah waxay noqon kartaa mid adag in la aqoonsado waxa dhacaya ama inaad ogaato marka caawimaad raadsato. Dadku waxay sidoo kale ka baqi karaan inay dadka kale u arkaan si xun, oo ay ku jiraan loo-shaqeeyayaasha.
Cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waa in aan la baarin bisha ugu horreysa ka dib dhacdo naxdin leh. Haddii aad isla markiiba la kulanto calaamadaha dhacdo naxdin leh, kuwaas oo daran oo kaa hor istaaga inaad shaqeyso, waxaa laga yaabaa inaad la kulanto falcelin walaac degdeg ah ama cudurka-walaaca degdegga ah. Astaamahaasi sida caadiga ahi way bogsanayaan waxayna ku tagayaan dhowr maalmood ilaa dhowr usbuuc. Mar marka qaar waxaa haboon inaad caawimaad ka doonato xirfadle.
Muxuusan qof walba u qaadin cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) markay dhacdo naxdin leh ku dhacdo?
Markay dhacdo naxdin lehi dhacdo, dad badan ayaa la kulma ama muujiya qaar astaamaha dhacdo naxdin leh bisha koowaad iyo wixii la halmaala. Kuwani badanaa waa falcelinno caadi ah marka qof uu la kulmo khatarta dhabta ah ama halis uu galo. Waxaad uga fikiri kartaa qaab ay maskaxdaadu kaaga ilaalinayso waxyeellada ama qayb kamid farsamada micno loogu yeeli lahaa wixii dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, dadka intooda badan waxay wixii dhacay maanka ku hayn karaan wax ka badan dhowr usbuuc amase mar marka qaar wax intaas ka yara dheer. Markay saas sameeyaan, astaamahooda welwel waxay bilaabayaan inay tiro iyo tayo ahaanba u yaraadaan.
Daraasaduhu waxay muujinayaan in kooxo dad ah oo gooni ahi ay halis badan ugu jiraan inay qaadaan cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD). Kuwaas waxaa ka mid ah:
- Kuwo la kulma dhacdooyin naxdin leh oo soo noqnoqda. Tusaale ahaan, dadka ku nool agagaarka goobaha dagaalka
- kuwo horay u nuglaa sababa la xiriira waayo-aragnimadoodii hore. Tusaale ahaan, dadka leh sooyaalka dhacdooyinka naxdinta leh sida la kulmida xad gudub ciyaalnimadoodii.
Si kastaba ha ahaatee, halista kugu dhicista cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) way yaraataa haddii qofku awoodo:
- inuu bulshada ka helo taageero wanaagsan iyo
- inuu uga soo kabto dhacdadii naxdinta lahayd ¡®deegaan welwelkiisu yar yahay¡¯.
in goobaha shaqada, qoyska iyo asxaabta ka caawin karaan dadka dhacdooyinka naxdin leh la soo kulmay iyagoo siinaya taageero dheeraad. Waxay sidoo kale ka caawin karaan illaalinta dadka la kulmay dhacdo naxdin leh si ay uga hortagaan cadaadis dheeri ah muddo kooban.
Dhacdooyin noocee ah ayaa badanaa sababi kara cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)?
Dhacdo walba oo naxdin lihi waxay keeni kartaa cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD). Si kastaba ha ahaatee, waxaad u badan tahay inaad cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) kugu dhaco haddii dhacdadu:
- ay tahay deg deg lana filanayn
- ay socoto waqti dheer
- waxay dhacdaa markaad ku xayiran tahay oo aanad ka bixi karin
- ay mid ¡®dad-samee ah¡¯
- ay sababto dhimasho badan
- sababa dhaawac aad u daran ama naafayn (naafayn)
- ay ku lug leedahay caruur.
Tan macnaheedu ma ahan in khibradaha kale aysan ku keenayn qofka inuu ku dhaco cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD). Waxa lagu tilmaami karo dhacdo naxdin leh dadku aad bay ugu kala duwan yihiin. Haddii aad sii wado inaad la kulanto welwel iyo hubanti la'aan intaad isku dayeyso inaad ka bogsato, tani waxay ka dhigi kartaa mid aad u adag in calaamadaha cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) ay hagaagaan.
Sidee ku ogaan karaa inaan kasoo kabsaday dhacdadii naxdinta lahayd?
Waad ka bogsatay dhacdadii naxdinta lahayd haddii aad:
- ka fikiri kartid dhacdada adigood welwel badan dareemin
- aadan si joogta ah u dareemin inaad halis ku jirto
- aadan ka fikirin markaadan doonayn
- aadan ka fogaan xasuusiyaashii dhacdada.
Maxaan cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) inta badan loo daawayn?
Waxaa jira dhowr sababood oo keena inaan qofka cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) qaba loo baarin.
Ka fogaansho
Dadka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) badanaa waxay ka fogaadaan inay ka hadlaan sida ay dareemayaan, si aysan mar kale uga fikirin dhacdada naxdinta leh.
Qaar ka mid ah dadka waxay aaminsan yihiin in calaamadaha ay la kulmaan (tusaale ahaan, ka-fogaanshaha iyo is iloowsiinta) ay ka caawinayaan inay la tacaalaan xaaladda. Waxaa suurtagal ah inaysan ogayn in astaamahani yihiin kuwii cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD).
Faquuq iyo garasho xumo
Marka qof uu aad u xanuunsan yahay, waxaa ku adkaata inuu aamino in uu mar kale ku soo noqdo sida uu ahaa ka hor dhacdada naxdinta leh.
Dadka qaar waxay yarayn karaan say wax u dareemayaan sababtoo ah waxay aaminsan yihiin ¡®in dadka kale ka daran yihiin¡¯. Kuwo kale caawimaadba ma doontaan sababtoo ah waxay ceeb u qabaan in la xanuunsado ama waxay ka walaacsan yihiin in dadka kale ay xaaladaan ku arkaan kuna ceebeeyaan.
Waxaa jira fahan darro ah in keliya dadka militariga ama adeegyada deg dega ah ka shaqeeya ay qaadaan cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD). Tani waxay noqon kartaa in dadkaan aan laga rumaysan markay dadka kale la wadaagaan inay qabaan cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD). Hubaashii, cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waxay ku dhici kartaa qof walba sidaas darteedna xaalad walba oo PTSD ah waa mid saxsan.
baaritaan Khaldan (sax ahayn)
Qaar ka mid ah dadka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waxaa si khaldan looga daaweeyaa in ay qabaan xaalado kale. Tusaale ahaan, welwelka xanuunada, walbahaarka or xanuunada shaqsiyada ku dhaca.
Dadka qaarkiis waxay leeyihiin xanuuno kale oo maskaxeed ama jireed. Si kastaba ha ahaatee, kuwaasi waxay ku sababi karaan inaan cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)-dooda la ogaan ama ay horseedo daawayn khaldan.
Dadka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waxay sidoo kale lahaan karaan xaalado jireed oo aan caafimaad ahaan la garan karin sida:
- dhibaatooyin dheefshiid/calooleed
- Xanuunno isku-dhafan, xanuun mudo dheer ah (pain syndromes)
- madax xanuun
Calaamadahan waxay ka dhigan yihiin in cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)-ga qofka loo aqoonsado calaamad jireed ama cudur. Tani waa sababta ay muhiim u tahay in xirfadlayaasha caafimaadka ay waydiiyaan la kulmida dhacdo naxdin leh marka ay qiimeynayaan qof.
Carqaladaha kale
Qaar ka mid ah dadka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waxay sidoo kale ku dhici karaan caqabado kale sabab la xiriirta calaamadahooda. Tusaale ahaan, xiriir xumada ama ku tiirsananaan khamriga ama maandooriyaha. Caqabadahan waxaa lala xiriirin karaa cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)-gooda, laakiin mararka qaar waxay noqon karaan kuwa laga garan og yahay PTSD-ga lafteeda.
Qofka qaba cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)-ga iyo kuwa ku xeeran ma ogaan karaan in dhibaatooyinkaasi ay yihiin natiijada dhacdo naxdin leh ay soo mareen.
Caruurtu ma qaadi karaan cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh cudurka walbahaarka ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)-ga?
Cudurka-walbahaarka ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)-du waxaa ku dhici karaa da¡¯ walba. Si kastaba ha ahaatee, caruurta intooda badan ee la kulma dhacdooyinka naxdinta leh kuma dhici karaan cudurka-walbahaarka ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) ama cudur kale oo maskaxeed.
Astaamaha cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) caruurtu waxay lamid tahay tan dadka waa weyn. Caruurtu sidoo kale waxay la kulmi karaan:
- Riyooyin cabsi leh ¨C Marka carruurta laga hadlayo, riyooyinkasi waxay ay u muuqan karaan ama aysan u muuqan karin inay si toos ah ula xiriiraan dhacdadii naxdinta lahayd ee dhabta ahayd.
- Ciyaar soo noqnoqota ¨C Carruur qaarkood waxay ku celceliyaan dhacdada naxdinta leh marka ay ciyaarayaan. Tusaale ahaan, cunug galay shil wado oo halis ahaa ayaa ku samaynaya dhacdadii tu¡¯ lamid ah gawaarida boombalaha ee uu ku ciyaarayo.
- Astaamo Jireed ¨C Waxay ka caban karaan calool xanuun ama madax xanuun.
- Cabsi ay dhimasho ka qabaan ¨C Waxaa ku adkaan karta inay aaminaan inay wax badan noolaan doonaan si ay u koraan ama ay mala¡¯awaalaan mustaqbal.
Akhriso qormooyinkeena welwelka iyo dhacdooyinka naxdinta leh ee waalidka iyo daryeelayaasha si aad uga ogaataan wax badan.
Waa maxay daawaynta cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)-du?
Waxaa jira daawayn badan oo kala duwan oo waxtar leh oo loogu talagalay cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD). Daawaynta ugu waxtarka badan waa daawaynta maskaxeed (sidoo kale loo yaqaan ku daawaynta hadalka). Dhakhtarkaaga guud (GP) ama xirfadlaha kale ee caafimaadka ayaa sidoo kale kuu soo jeedin kara dawooyin, sida daawooyinka ka hortagga niyad-jabka.
Daawaynta Maskaxeed
Inta badan, laakiin dhammaan maaha, daawaynta maskaxeed ee cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waxay diiradda saaraan waayo-aragnimada dhacdo naxdinta leh lafteeda. diirad badan saari maayaan dhacdooyinka kale ee ka socda noloshaada hadda ama kuwa dhacay waqti hore. Daawaynta maskaxeedku wuxuu kaa caawinayaa waxyaabahan soo socda:
- Aqbalaad ¨C Barashada inaad aqbasho in inkastoo aadan beddeli karin waxa dhacay, in aad dhacdada uga fikiri kartid qaab kale, dunida, iyo noloshaada.
- Xasuusta dhacdada ¨C xasuusashada wixii dhacay iyadoo aysan ku haynin cabsi iyo welwel toona. Waxaad awoodi doontaa inaad ka fikirto waxa dhacay marka aad doorato, halkii aad uga fikiri lahayd keliya markaad xasuusato ama fikradu soo noq noqoto.
- Inaad dareenkaaga ereyo ku cabirtid ¨C Ka hadlidda waxa dhacay si kaa caawinaysa inaad fahanto dhacdadaas, si xusuusaha ay u noqdaan kuwo aan ka culeys badaneyn.
- Inaad badqab dareentid(amni) ¨C inay kaa caawiso inaad dareento inaad maamuli karto dareemahaaga. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad amni dareento, si darteedna uma baahnid inaad ka warwareegto xasuusaha in badan.
Ku daawaynta hadalka oo walba ee cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)-du waa inay bixisaa cid loo tababaray oo loo aqoonsan yahay daawaynta u gaarka ah dhacdo naxdin leh. Kulamada daawayntu badanaa waa ugu yaraan hal mar usbuucii, waxaana sameeyaa isla dhakhtarkii. Badanaa waxaad yeelan doontaa 8-12 fadhiyadood, laakiin waxaa laga yaabaa inaad u baahato in ka badan haddii cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD)-gaaga uu si gaar ah u adag yahay. Fadhiyadu waxay badanaa u dhaxayn doonaan hal saac iyo 90 daqiiqo.
Daawaynta maskaxeed ee ugu waxtarka badan ee cudurka-walbahaarka ee ka dhasha dhacdo naxdin leh (PTSD) waa:
Daawaynta u goonida ah dhacdo naxdin leh ku dhacda fikirka iyo dhaqanka (TF-CBT)
Tani waa ku daawaynta hadal taasoo kaa caawin karta inaad badashid hab fikirkaaga. Hadaad waqti siiso, tani waxay kaa caawin kartaa inaad bogsato sidoo kalena aad dhaqankaaga bedesho. Tan inta badan waxaa loo bixiyaa hab qof iyo qof ah oo adiga iyo dhakhtar. Waxaa jira xoogaa caddaymo ah oo ah in Daawaynta u goonida ah taroomada ku dhacda fikirka iyo dhaqanka (TF-CBT) sidoo kale loo bixin karo si koox koox ah.
Dareen-dhimista iyo dib-u-habaynta dhaqdhaqaaqa indhaha (EMDR)
Kani waa nidaam ku lug leh dhaq dhaqaajinta waxaad diirada saaraysid bidixda iyo midigta jirkaaga. Tani waxaa loo yaqaan ¡®kicinta labada dhinac¡¯ (bilateral stimulation). Badanaa waxaa lagu sameeyaa dhaqdhaqaajinta indhaha laakiinse waxaa jira qaabab kale oo loo sameeyo sida taabashada ama codadka isbadbadalaya. Dareen-dhimista iyo dib-u-habaynta dhaqdhaqaaqa indhaha (EMDR) waxay maskaxda ka caawisaa inay farsamayso xasuusaha dhacdo naxdin leh si u yarayso welwelkooda.
Waxaa lagu waydiinayaa inaad soo xasuusato dhacdada naxdinta leh iyo siday ka dhigayso fikirkaaga iyo dareenkaaga. Intaad tan samaynayso, waxaa lagu weydiin doonaa inaad sameyso ¡®kicinta labada dhinac¡¯, sida dhaqdhaqaaqa indhaha. Tan waxaa la soo ogaaday inay yarayso xoogga dareenka aad la kulantid markaad dhacdadii naxdinta lahayd xasuusatid. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad ka bogsootid dhacdadii naxdinta lahayd.
Dareen-dhimista iyo dib-u-habaynta dhaqdhaqaaqa indhaha (EMDR) waa inuu bixiyaa xirfadle tayo leh oo la aqoonsan yahay. Dareen-dhimista iyo dib-u-habaynta dhaqdhaqaaqa indhaha (EMDR) inta badan waxaa la isa siiyaa 8-12 fadhi. Fadhi walba wuxuu soconayaa inta u dhaxaysa hal saac iyo 90 daqiiqo.
Daawayn kale
Noocyada kale ee ku daawaynta hadalka ayaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan inaad bar tilmaamaysatid astaamo gaar ah (tusaale ahaan, hurdo xumada). Kuwani waxay ku haboon yihiin dadka aysan Dareen-dhimista iyo dib-u-habaynta dhaqdhaqaaqa indhaha (EMDR) iyo Daawaynta u goonida ah taroomada ku dhacda fikirka iyo dhaqanka (TF-CBT) u waxtar badnayn.
Inkastoo ay jiraan daawayn badan oo sheeganaya inay daawaynayaan PTSD, waa inaad ka feejignaato isticmaalkooda ilaa faa'iidooyinka iyo khatarahaba si fiican laguugu sharxo.
Waxaa jira caddeymaha qaar oo muujinaya in daawayn gaaban ee aan diiradda saarin dhacdo naxdin leh ay ku haboon yihiin dadka qaarkood. Si kastaba ha ahaatee, caddeynta ugu fiican ee waxtarka leh hada ee daawaynta PTSD waa Daawaynta u goonida ah taroomada ku dhacda fikirka iyo dhaqanka (TF-CBT) iyo Dareen-dhimista iyo dib-u-habaynta dhaqdhaqaaqa indhaha (EMDR). Haddii laguu soo jeediyo daawayn kale, waa inuu kuusoo jeediyo xirfadle caafimaad oo takhasus ku leh daawaynta PTSD kaliya. Amase waa in laguu soo jeediyaa iyadoo ay qayb ka tahay baaritaan caafimaad oo rasmi ah.
Nasiib darro, waxay qaadanaysaa waqti inaad hesho ku daawaynta hadalka ee bixiso NHS (Adeega Caafimaadka Qaranka). Tani waxay ku xirnaan doontaa meeshaad ku nooshahay iyo waxa goobaha kuu dhow dhow laga heli karo. Inta lagu jiro waqtigan, waxaa laga yaabaa inaad u aragto waxtar inaad isticmaasho agabka is-caawinta qofka naftiisa. Waydii Dhakhtarkaaga guud (GP) haddii ay hayaan wax agab ah oo kugula talinayaan. Ama waxaad eegi kartaa NHS Scotland¡¯s.
Daawooyinka
Daawooyinka Lidka niyad-jabka
Dhakhtarkaaga ayaa kuusoo jeedin kara inaad bilowdid qaadashada daawooyinka lidka niyad-jabka. Kuwani waxay ku caawin karaan haddii:
- aad sugayso daawaynta maskaxeed
- aad isku dayday daawaynta maskaxeed si ugu daawayso PTSD-daada ayna kuu shaqayn wayday
- aadaan rabin inaad gashid daawaynta maskaxeed.
(SSRIs) waa nooc ka mid ah daawooyinka lidka niyad-jabka ee ka caawin kara yareynta calaamadaha PTSD. Haddii aad sidoo kale dareemayso walbahaar, daawooyinka lida niyad-jabku way kaa caawin karaan tan.
Daawooyinka kale
Haddii SSRIs aysan kuu shaqayn, waxaa lagu siinayaa daawo kale sida daawooyinka kale ee lidka niyad-jabka ama dawooyinka lidka ku ah xanuunka dhimirka.
Daawooyinka dhimirka waxaa loo adeegsadaa in lagu daaweeyo xaalado maskaxeed oo kale duwan. Lidka xanuunka dhimirka waxaa sidoo kale loo yaqaan ¡®daawooyinka xasilinta weyn¡¯. Sida SSRI daawooyinka lidka niyad-jabka, lidka xanuunka dhimirka waxay kaa caawin karaan inay yareeyaan astaamaha PTSD. Waa muhiim in la ogaado in haddii aad qabto PTSD oo laguu soo jeediyo lidka xanuunka dhimirka (antipsychotic), tani ma aha in aad qabto shakiga ama xaalad kale oo caafimaad maskaxeed oo halis ah (oo aan la xiriirin PTSD).
Daawooyinka kale badanaa waa in dhakhtar maskaxeed (psychiatrist) uu kuu qoro marka hore si loo bilaabo daawaynta. Waa inay kaala hadlaan faa¡¯iidada iyo khasaaraha nooc walba oo daawayn ah.
Dawadu ma ahan daawaaynta ugu horeysa ee PTSD. Si kastaba ha ahaatee, daawaynta ku habooni waxay kuu fududayn kartaa inaad ka qayb qaadato daawaynta kale iyo taageerada sida daawaynta maskaxeed.
Daawayntee ugu fiican?
Waxaa jira caddeymo muujinaya in daawaynta u goonida ah taroomada ku dhacda fikirka iyo dhaqanka (TF-CBT) iyo Dareen-dhimista iyo dib-u-habaynta dhaqdhaqaaqa indhaha (EMDR) ay yihiin daawaynta ugu waxtarka badan ee ugu horeeya ee daawaynta PTSD. Daawadu waxay ku haboon tahay dadka aan rabin inay galaan ku daawaynta hadalka ama kuwo aan si fudud u heli karin.
Daawaynta tee ayaan marka hore helayaa?
Daawaynta maskaxeed ee diiradda saara dhacdo naxdin leh (Daawaynta u goonida ah taroomada ku dhacda fikirka iyo dhaqanka (TF-CBT) ama Dareen-dhimista iyo dib-u-habaynta dhaqdhaqaaqa indhaha (EMDR)) waa in lagu soo jeediyaa ka hor daawooyinka, marka kasta oo suurtogal ah. Tani waxaa la soo saaray iyadoo la raacayo hagida ay soo saartay Hay¡¯ada daryeelka sare iyo caafimaadka ee qaranka (NICE). Daawayntani waxay sidoo kale qayb ahaan caawiyaan daawaynta adag ee PTSD, taas oon uga hadli doona qormadan qaybaheeda danbe.
Sidee ayaan naftayda u caawin karaa?
Waxaa jira dhowr waxyaabood oo aad samayn kartid si aad uga soo kabatid haddaad PTSD leedahay. Haddii aad leedahay dhakhtar, waa inay kugu taageeraan farsamooyinkan kaana caawiyo sidaad ugu dhaqan gelin lahayd qaab aad maarayn kartid:
Inaad jadwalkaagii Joogtada ahaa dib ugu noqotid
Haddii ay macquul tahay, isku-day inaad dib ugu noqotid ama aad sii wadid jadwalkaagii maalinlaha ahaa ee caadada kuu ahaa. Inaad noloshaada ka dhigtid mid aan isbadal badan ku dhicin waxay ku siinaysaa nidaam iyo xasilooni.
La sheekayso qof aad ku kalsoon tahay
Ha uga sheekayn wixii kugu dhacay qof walba. Si kastaba ha ahaatee, inaad la sheekaysato qof aad ku kalsoon tahay waxay kaa caawinaysaa inaad u maareysid dareenadaada qaab aan dhib kaaga imaanayn. Haddii dad kale sidoo kale ku lug lahaayeen dhacdadii naxdinta lahayd eed la kulantay, waa wax wanaagsan inaad dadkaas mid kamid ah la sheekaysato. Keliya samee tan haddii aysan wax welwel ah kuu keenayn.
Ka Raadso Taageero facaaga
Si aad tan u samaysid, waxaad raadin kartaa hay'ad la shaqeysa dadka la kulmay noocyada dhibaatooyinka aad la kulantay. Waydii haddii ay leeyihiin wax fursado ah oo ¡®dad aad isku xaalad tihiin¡¯ ama kooxo taageero. Waxaan qaybta danbe ee qormadaan kuugu soo jeedinaysay qaar kamid hay¡¯adahaas kuwaas ku anfici kara.
Isku-day jimicsi lagu nasto
Isku day jimicsiyo is-hogaamineed naftaada oo ka mid ah fakarka iyo feejignaanta si aad u nasato. Inkastoo helitaanka habab aan ku nasato markaad PTSD leedahay ay tahay caqabad, haddana waxaa kaa caawin kartaa inaad maarayn kartid qayb kamid ah astaamahaaga. Si kastaba ha ahaatee, farsamooyinka nasashadu ma ahan daawo waana inay qayb ka yihiin habab badan oo taageero iyo xirfado aan u isticmaali kartid inaad kusoo kabatid. Waa wax wanaagsan inaad kala hadasho dhakhtarkaaga waxqabadyada iyo jimicsiyada kugu haboon.
Tixgeli inaad dib ugu laabato shaqadii ama dugsigii
Haddii aad awooddo, waxaa kaa caawin kara inaad ku laabato shaqada, iskuulka ama jaamacadda. Inkastoo qaadashada wakhti nasasho ay aad u faa'iido badan tahay ka dib dhacdada, ka maqnaanshaha shaqada muddo dheer waxay si xun u saameyn kartaa caafimaadka maskaxdaada iyo kalsoonidaada nafsadeed. Shaqada ama tegidda dugsiga ama jaamacada waxay ku siinaysaa inaad jadwal maalinla ah iyo ujeedo aad u nooshahay leedahay. Tanina waxay kaa caawinaysaa soo kabashadaada.
Isku-day inaad ka fogaatid xaaladaha kugu keeni kara inaad la kulanto dhacdo naxdin leh iyo welwel saa¡¯id ah. Haddii ay suurtagal tahay, shaqeynta goob taageero leh oo cadaadis yar ayaa kugu fiican markaad ka bogsaneyso. Kala hadal maamulahaaga haddii ay macquul tahay in laguu sameeyo isbeddel shaqo oo lagugu caawinayo inta aad ka soo kabaneyso waqtigan adag.
Si joogta ah u cunto oo u jimicso
Isku-day inaad wax cuntid xilligii caadada kuu ahayd, xataa haddii aadan gaajaysnayn ama aadan diyaar u ahayn inaad cunto diyaariso ama aad cunto. Haddii aad awoodid isku-day inaad si joogto ah u jimicsatid. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad caajis dareentid markii waqtiga aad seexan lahayd la gaaro. Waxaa ka heli kartaa xog badan oo ku saabsan hurdada qormadeena seexashada fiican.
Dadka kale waqti la qaado
Inaad waqti la qaadato dadka aad daryeesho waxay ku siin kartaa dareen taageero. Way u qalantaa inaad dadka ka ag dhow dahay xataa haddii aadan rabin inaad kala hadasho wixii dhacay. Xitaa wicitaan ama fariin inaad u dirtid waxay ku dareensiinaysaa xiriir.
Filo inaad fiyoobaato
Isku-day inaad niyada ku haysid in soo kabashadaadu suurtagal tahay. Rajadu waxay kaa caawinaysaa inaad soo raysatid, laakiinse ha isku-dayin culees is saaris inaad dhaqso ku bogsatid. Isku-day inaad naftaada u naxariisatid intaad xilligan adag ku jirtid.
Ku noqo meeshii dhacdada naxdinta lehi ka dhacday
Waxaa laga yaabaa inay ku caawiso ku laabashada meeshii, ama agagaarka meeshii dhacdada naxdinta lehi ka dhacday. Keliya tan samee haddii aad hubtid inaad diyaar tahay. Waa wax fiican inaad dhakhtarkaaga ama dhakhtarkaaga u sheegtid haddii arrintan qorsheynaysid, si ay kaaga caawiyaan tilaabooyinka aad mari lahayd. Waa muhiim in si taxadar leh loo qorsheeyo ku laabashada meeshii dhacdada naxdinta leh ka dhacday. Waxaad is raaci kartaan qof aan ku kalsoon tahay.
Waxyaabaha ay tahay inaad iska ilaaliso
Waxaa jira waxyaabo laga yaabo inaad rabtid inaad iska ilaalisid ama aad ku baraarugsan tahay, intaad soo kabanaysid. Qabashada waxa saxda ahi waxay noqon kartaa carqalad waana inaadan ka murgin haddii aad samaynayso mid kamid ah waxyaabahaas. isku-day inaad iska ilaaliso:
- Is-dhaliilid nafta - Calaamadaha PTSD ma aha calaamad muujinaysa daciifnimo. Waa falcelino caadi ah oo laga bixiyo dhacdooyinka argagaxa leh. Waxaa jira tiro badan oo dulqaad iyo adayg badnaa oo ku dhacay PTSD-da sida gargaarka deg dega ah iyo wariyayaasha colaadaha.
- Adiga oo dareenkaaga laftaada ka dhigaya ¨C Haddii aad qabtid PTSD, ha dareemin dambi inaad la wadaagto fikradahaaga iyo dareenkaaga dadka kale. Ka hadlidda sida aad dareemaysid waxay kaa caawinaysaa inaad soo kabatid, gacalkaaguna way ku garab istaagayaan haday karaan.
- Filashada bogsiinyo deg deg ah - Daawaynta PTSD-du waxay qaadan kartaa mudo, waxaadna la kulmi kartaa caqabado. Isku-day inaadan wax badan si deg deg ah u filan, balse ha quusan. Taageero iyo daawayn ayaa wax ku hagaagayaan.
- Gooni goosad ¨C inaad waqti badan kali ahaatoo waxay siyaadinaysaa is qoqobka iyo dareenada xun xun, wayna sii xumaynaysaa xaalada. Isku-day inaad waqti la qaadatid dadka haddii aawoodid, xasuusnoowna inaadan ku qasbanayn inaad wixii kugu dhacay ka sheekayso.
- Sigaar iyo khamri cabista ¨C±õ²Ô°ì²¹²õ³Ù´Ç´Ç khamrigu ku dajin karto mudo kooban, waqti kadib waxaa xaalaadaada ka dhigaysaa mid aad u xun. Kafeega iyo nikotiinku waxay u shaqeeyaan sidii kiciyayaal, taas oo laga yaabo inay kaa sii darto haddii aad la kulmeyso calaamado la xiriira PTSD.
- Daal xad-dhaaf ah ¨C PTSD-du waxay kugu keeni kartaa hurdo xumo. Isku-day intaad awoodid inaad jadwalkaagii hore ee seexashada ahaa sii socotid, iska jir soo jeedka badan ee habeenkii maadaama oo soo jeedku xaalkaaga sii xumayn karo. Waxaad wax badan ka ogaan kartaa qormooyinkeena ku saabsan seexashada fiican.
Ugu dambeyntii, waxaa laga yaabaa inaad sidoo kale taxaddar muujiso markaad wado, haddii aad dareento inaanad ammaan ku ahayn inaad wadato waa . Dadku aad bay ugu nugul yihiin shilalka markay dhacdo naxdin leh ku dhacdo.
Waa maxay PTSD adagi?
Dad qaarkood waxay yeeshaan xaalad loo yaqaan cudurka walbahaarka ka dhasha dhacdo naxdin leh oo adag (complex PTSD). Tani inta badan waa natiijada ka dhalatay dhacdo waqti badan socotay ama dhacdooyin dhowr ah oo soo noqnoqday kuwaasoo aad u cabsi iyo argagax badan. Dhacdooyinkaasi waxay kugu dhici karaan caruurnimadii iyo qaargaarkaba. Dhacdooyinka inta badan waa kuwo ay adag tahay ama aysan macquul ba ahayn in laga fogaado.
Tusaalooyinka dhacdooyinka horseedi kara PTSD-da adag waxaa kamid ah:
- Rabshad guri oo muddo dheer socota
- Tacadiyo jireed ama galmo oo caruurnimadii ah oo soo noqnoqday
- Ciqaab
- ku nool goob dagaal
- Ololeyaal gumaad
- Adoonsi.
Iyo astaamaha kale ee PTSD-da, dadka qaba PTSD-da adag sidoo kale:
- waxay naftooda ka aamin san yihiin fikiro qaldan oo liidnimo, jab ama qiimo la¡¯aan ah¡¯
- waxaa aad ugu adag inay maareeyaan dareenadooda iyo dareen hadalkooda
- waxaa ku adag inay joogteeyaan xiriirada dadkana isku soo dhawaadaan.
Sidee uga soo kaban karaa PTSD-da adag?
Kalsooni darrada dadka kale iyo dunida ay qabaan waa ku badan tahay dadka PTSD-da adag leh. Daawaynta PTSD-da adagi waxay inta badan qaadataa mudo dheer si ay xiriir dhow ula yeeshaan dhakhtarkooda. Waxa qof PTSD-da adag qabaa la sameeyo dhakhtar waxay maraan saddex heer. Si kastaba ha ahaatee, waxaa suurtagal ah inaadan u baahnayn inaad heerarkaasoo dhan samaysid ama aad si isku xigxigta u samaysid, waxaadna ku noqnoqon kartaa qaybo kamid ah heerarkaas.
Heerka 1-aad: Xasilinta
Xasilinta waxaa loo sameeyey inaad kaa caawiso inaad dib u hesho xakamaha welwelkaaga iyo xasuusaha dhacdadii naxdinta lahayd. Tusaale ahaan, fikrado soo farageliya ama dib-u-xusuusashooyin.
Heerka xasilida waxaad:
- baran doontaa inaad ku kalsoonaatid dhakhtarkaaga
- baran doontaa inaad fahamtid oo maamushid dareenadaada welwelka iyo gooni goosadka
- baran doontaa farsoomooyinka ¡®ku noolaanshaha waqtiga hadda la joogo¡¯. Kuwaasi waxay kaa caawinayaan inaad diirada saartid dareenadaada jireed ee caadiga ah. Tani waxay kuu sahlaysaa inaad xasuusnaatid inaad maanta ku noolaatid oo aadan shalay iyo wixii dhacay ku noolaan.
Dejinta waxay kaa caawin kartaa inaad 'ka jarto' dareenkaaga cabsida iyo welwelka xusuusta iyo dareenka kicinaya ayaga. Tani waxay kaa caawinaysaa inay kaa yaraato cabsidii iyo xaaladii ay xasuusahaasi kugu abuuri jireen.
Mar marka qaar xasilintu waa waxa keligeed u baahan tahay.
Heerka 2-aad: Daawaynta dhacdo naxdin leh
Markaad ku kalsoonatid dhakhtarkaaga, oo sidoo kale ka takhalusto qaybo kamid ah astaamahaaga, daawayntu waxay xooga saaraysaa inay la bogsiiso dhacdo naxdin leh. Tan waxaa inta badan kamid ah Dareen-dhimista iyo dib-u-habaynta dhaqdhaqaaqa indhaha (EMDR) ama Daawaynta u goonida ah taroomada ku dhacda fikirka iyo dhaqanka (TF-CBT), kuwaasoo kaa caawinaya inaad fahanto dhacdadii naxdinta lahayd.
Daawaynta kale ee maskaxeed waxay noqon karaan kuwo waxtar leh marka lala isticmaalo Dareen-dhimista iyo dib-u-habaynta dhaqdhaqaaqa indhaha (EMDR)ama Daawaynta u goonida ah taroomada ku dhacda fikirka iyo dhaqanka (TF-CBT) haddii qaar ka mid ah calaamadahaaga ay adagtahay in laga gudbo.
Dhakhtarkaaga wuxuu taxadari doonaa inuusan daawaynta kugula deg degin si aysan xaaladaadu kuugu sii xumaan.
Heerka 3-aad: Dib-u-soo-celinta ama dib-u-celinta
Marka calaamadahaaga dhacdo naxdin leh ay hagaagaan, dhakhtarkaaga wuxuu kugu taageeri doonaa inaad si tartiib ah ugu laabato nolol caadi ah oo leh nidaam iyo hab-raac. Heerkaan badanaa wuxuu diiradda saarayaa ka caawinta inaad la qabsato dunida dhabta ah oo aad ka baxdid xaaladdii halista ahayd ee aad horey ugu jirtey. Tani waxay ku dareensiinaysa cabsi iyo rajo labadaba, gaar ahaan bilowga hore.
Inta lagu jiro habkan, waa inaad bilowdaa inaad dib u soo ceshato dareenkaaga naftaada. Waxaad ogaan doontaa inaad tahay qof xuquuq leh, go¡¯aanana gaari kara.
Bogsiimadu waxay kaa caawin doontaa:
- inaad naftaada iyo dadka kaleba u naxariisatid
- inaad dib u dhistid kalsoonida aad naftaada iyo dadka kaleba ku qabtid
- inaad awood u yeelatid inaad samaysatid saaxiibo, kalgacal iyo waxqabad kor caafimaadkaaga jireed iyo kaaga maskaxeedba u qaadaya. Tan waxay noqon kartaa shaqayn, haddii aadan horey u shaqaynayn
Nasiib darro, sida PTSD-da, waxay qaadataa mudo inaad u heshid ku daawaynta hadalka haddaad leedahay PTSD-da adag. Tani waxay ku xirnaan doontaa meeshaad ku nooshahay iyo waxa goobaha kuu dhow dhow laga heli karo.
Daawooyinka
Sida PTSD-da, daawooyinka lidka niyad-jabka iyo daawooyinka kaleba waxaa loo adeegsan karaa in lagula tacaalo PTSD-da adag. Daawooyinka lid niyad-jabka waxaa loo adeegsan karaa:
- in lala isticmaalo daawaynta maskaxeed
- halkii daawaynta nafsiga ah daawaynta maskaxeed
- Haddii aad sugaysid daawaynta maskaxeed, ama aysan la heli karinba
- haddii daawaynta maskaxeed aysan wax kaa badali karin.
waa muhiim in dhakhtarka maskaxdu dib eegis ku sameeyo daawooyinkaaga.
Is-caawin qofka naftiisa
Qaybta qormadan ka horeeysay ee dhahay ¡®Sidee baan naftayda u caawin karaa?¡¯ waxay ka hadlaysaa waxyaabo aad naftaada ku caawin kartid haddi aad leedahay PTSD-da adag.
Sidee ku ogaan karaa haddii qof PTSD leeyahay?
Haddii aad taqaantid qof dhawaan la kulmay dhacdo naxdin leh, waxaa jira waxyaabo aad ku ogaan kartid . Waxyaabahani waxay noqon karaan calaamado tusinaya inay la halgamayaan inay maareeyaan:
- Isbadal dhaqankooda ku dhaca ¨C waxqabad xumo shaqo oon horey loogu aqoon, daahitaan, fasax qaadasho xanuun, ama shilal yaryar.
- Isbadal ku dhaca dareenkooda ¨C xanaaq aan lagu aqoon, werwer, firfircooni la¡¯aan ama diirada oo qofka ka lunta.
- Isbadal ku yimaada fikirkooda ¨C inay la nool yihiin handadaad, cabsi, ama rajo xumo mustaqbal.
- Calaamadaha jirka ee lama filaanka ah ¨C sida hawo qaadashadoo ku adkaata, dulqaad yari, deg deg ama calool xanuun.
Haddii aad u malaynaysid in qof leeyahay astaamihii PTSD-da, ku dhiiri geli inay dhakhtarkooda guud u tagaan, ama dhakhtar kale oo caafimaad oo ay ku kalsoon yihiin. Haddii aydaan saaxiibo dhow ahayn, u dir qof ay saaxiibo dhow yihiin oo arrintaas kula talin kara.
Waxaa caawin karta inay qormooyin PTSD ku saabsan raadiyaan, sida qormadan oo kale. Tani waxay ka caawinaysaa inay aqoonsadaan xaalada adag ee ay ku sugan yihiin iyo waxay ka qaban karaan.
Sidee ayaan ku caawin karaa qof la kulmay dhacdo naxdin leh?
Waxyaabahaad samayn kartid
Waxyaabahan soo socda waxay caawin karaan qof ay ku dhacday dhacdo naxdin leh(taroomo):
Halkaa joog
Waqti la qaado. Haddii aysan rabin inay ku arkaan, waxaad u sheegi kartaa inaad markay kuu baahdaan garab taagan tahay. Inkastoo aysan haboonayn inaad cadaadis saartid, hadana waxaad ku adkaysan kartaa inaad caawisid ilaa ay kaa aqbalayaan.
Dhagayso
Haku cadaadin inay xog wixii ku dhacay ku saabsan oo aysan diyaar u ahayn kula wadaagaan. Haddii ay rabaan inay wax kuu sheegaan, isku-day inaad dhagaysato oo hadalkana haka dhex gelin wax adiga kugu dhacayna hala wadaagin. Inkastoo la wadaagista khibradahaaga ay tahay niyad wanaag, mararka qaar waxay dhacdadii qofka ka dhigaysaa mid iska caadiya oo saas u muhiimsanayn.
Waydii su¡¯aalo guud
Haddii aad su¡¯aalo waydiinaysid, isku-day inaad waydiiso su¡¯aalo guud oon qofka la xisaabtamayn. Tusaale ahaan, waxaad waydiin kartaa, ¡®Qof kale weli arrintan makala hadashay?¡¯ ama ¡®Ma kaa caawin karaa inaad taageero fiican hesho?¡¯
Ka caawi qabashada howlahooda
Waxaa ku adkaan karta inay is dar yeelaan oo joogteeyaan jadwalkooda maalinlaha. Waxaad bixin kartaa inaad ka caawiso waxyaabaha la taaban karo, sida nadiifinta ama diyaarinta cuntada.
Naftaada ka taxadar
Haddii aad qof caawinaysid, sidoo kale naftaadana ka taxadar. Taageeridda qof la kulmay dhacdo naxdin leh waxay noqon kartaa mid shucuur ahaan adag.
Waxyaabaha ay tahay inaad iska ilaaliso
Inaad u sheegtaa inaad garanaysid siday dareemayaan
Xitaa haddii aad la kulantay dhacdo tooda la mid ah, dadku qaabkay wax u dareemaan aad bay ugu kala duwan yihiin. Wax fiican ma ahan inaad is barbardhig ku samayso. Xasuusnoow, xitaa haddii aad wax badan ka og tahay xaalada qof la kulmay, waxaa suurtagal ah inaysan wax walba kuu sheegin. Sababtaan awgeed, is barbardhiga aad samaynaysid wuu khaldanaan karaa.
Inaad u sheegtid inay nasiib leeyihiin haddayba nool yihiin ama aysan dhaawacmin
Dadka la kulmay dhacdo naxdin leh inta badan ma dareensana nasiibka. Dadku mararka qaar waxay dareemaan inay danbi tahay:
- inay nool yihiin haddii dadka kale dhinteen
- sababtay u dhaawicmi waayeen
- ama inaysanba u dhaawicmin sida dadka kale u dhaawacmeen.
Inaad ku dhahdid nasiib baad leedahay waxay keenaysaa inay is barbar dhigaan naftooda iyo tan dadka kale. Ama waxay ku keeni kartaa inay ceeb ka qaadaan waxyaabaha lagu dhahayo.
Xaqiritaanka/yaraysiga waxay la kulmeen
Ha soo jeedin in ay ka sii xumaan kartay, xitaa haddii aad isku dayayso inaad ka dhigto inay dareemaan ka roon. Tani waxay dadka ka dhigi kartaa inay dareemaan in dareenadoodu aysan micno lahayn.
Talo bixin
Ka fogaaw inaad soo jeediso talooyin, xitaa haddii aad ogaatay in kuwaas ay horey ugu shaqeeyeen. Dhammaan dadku waa kala duwan yihiin, qofka aad taqaan wuxuu dhici kartaa inuu horey u tijaabiyey waxa aad soo jeedinayso. Haddii aadan hubin in qofka aan la hadlaysid uu talo u baahan yahay iyo in kale, waydii ayaga.
Xog dheeraad ah iyo taageero
- ¨C xog ku saabsan PTSD-da oo ka Hay¡¯ada caafimaadka ee qaranka (NHS)
- ¨C xog ku saabsan PTSD-da adag ee ka timid Hay¡¯ada caafimaadka ee qaranka (NHS)
- ¨C Xog ka timid hay¡¯adaha gargaarka ee Mind oo ku saabsan PTSD-da iyo PTSD-da adag
- ¨C Xog ku saabsan sida aad u caawin lahayd qof aad taqaanid oo PTSD qaba
- ¨C Lifaaqyada hay¡¯ada kale ee gargaarka iyo ururada taageerada siiya dadka PTSD-da qaba
Khadadka caawinta
- - Samaritans-ku waa hay¡¯ad gargaar oo dhagaysanaysa taageerana siinaysa qof walba oo u baahan taagero.
- Shout ¨C Shout waa barnaamij lagu wada sheekaysto oo 24 saac iyo 7-da maalmood ba furan oo aad si bilaash ah, oo qarsoodi ah loogu adeegayo qof walba oo boqortooyada Ingiriiska (UK) ku nool taageerana u baahan.
Hay¡¯adaha gargaarka
Halkan waxaad ka helaysaa hay¡¯adaha gargaarka ee siiya taageerada dadka PTSD-da ama dhacdo naxdin leh qaba:
- ¨C Waa hay¡¯ad samafal oo UK ku taal taasoo ka shaqaysa wacyi gelinta PTSD-da
- ¨C Waa hay¡¯ad samafal oo UK ku taal oo ka shaqaysa caafimaadka maskaxda ee askarta.
- ¨C Waa hay¡¯ad samafal oo taageero siisa dadka baroordiiqaya oo ee ku nool England, Wales and waqooyiga Ireland
- ¨C Waa hay¡¯ad samafal oo ka shaqaysa kor u qaadida caafimaadka maskaxeed ee Dadka baroordiiqaya ee ku nool Scotland
Kufsi la dirir (Rape Crisis) ¨C Waxaa jira seddax hay¡¯adood oo samafal kuwaasoo la dirira kufsiga caawiyana dadka ku dhaqan UK oo dhan ee la kulmay xadgudubyada kufsiga iyo tacadiyada:
Taageerayaasha Dhibanaha ¨C (Victim Support) Waxaa jira saddex hay'adood oo taageero bixiya kuwaas oo taageera dhibbanayaasha dembiyada iyo dhacdooyinka naxdinta leh ee ka dhacay UK:
Waxaa jira hay'ado badan oo taageera dadka la kulmay dhacdooyin kala duwan, halkana kuma soo wada koobi karo.
ictiraaf
Macluumaadkan waxaa soo saaray Guddiga Tifaftirka Ka-qaybgalka Dadweynaha ee Kulliyadda Boqortooyada ee Dhakhaatiirta Maskaxda (PEEB).**the ÍâÍøÌìÌᯠPublic Engagement Editorial Board (PEEB). Waxaa soo gudbinaysaa caddaymaha ugu fiican ee la hayo waqtiga qormadan.
Mahad gaar ah waxaan u haynaa PTSD UK, kuwaasoo si naxariis leh noola wadaagay aragtidooda/faalooyinkooda ku aadan qormadan.
Khubarada tafatirka: Professor Neil Greenberg
Khubarada Khibrada leh: Autumn Foord, Brian Hayden iyo Ellie Wildbore
Tixraacyada dhamaystiran ee qormadan waa lasoo codsan karaa.
This translation was produced by CLEAR Global (Apr 2026)